Daawo: Sawir Gacmeed qosol badan oo lagu cabiray waxyaabihii ka dhacay Golaha shacabka

Farshaxaniistaha Soomaaliyed ee Amiin Caamir oo looga bartay sawir gacmeedyo (Cartoons) ku saleysan marxalada siyaasadeed iyo mida bulsho ee xili walba taagan ayaa boggiisa soo dhigay Sawir uu ku cabirayo wixii maanta ka dhacay baarlamanka Somalia.

Gudoomiye Jawaari iyo ku-xigeenkiisa labaad Mahad Cawad ayaa maanta ciidamo fara badan la galay xarunta golaha shacabka oo ay ku qulqulayeen xildhibaano labo ajende kala watay.

Jawaari ayaa la sheegay in ujeedadiisu aheyd sidii uu carqaldeyn lahaa xildhibaanada Mooshinka kalsooni kala noqoshada ka keenay oo damacsanaa iney cod u qaadaan mooshinkaas, taasoo uu ku guuleystay inkastoo si weyn loogu cambaareeyey falka uu ku dhaqaaqay.

Amin Caamir ayaa sawir gacmeed qosol badan ku muujiyey Jawaari oo careysan, qori iyo bastoolad wata, xabadkuna u qaawan yahay, isagoo leh “Sharci ma ogoli shanteyda calaacal baan wax ku goosan”.

Waxaa daba socda xildhibaabo kooban oo isaga taageersan waxaana ku jira Mahad Cawad, Mahad Salad, Faarax C/qaadir iyo qaar kale oo iyana qoryo sita isagana taageero u muujinaya.

Siyaasada Somalia ayaa mareysa meel adag, iyadoo Guddoomiye Jawaari oo lumiyey kalsoonidii Madaxweynaha iyo raisul wasaaraha uu hadda la soo baxay siyaasad cidiyo ku dirir ah oo wax u dhintay sumcadii wanaagsaneyd ee uu lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -